headerImage

Xajiintu ama cuncuku

Xajiintu ama Cuncuku waxay dhacdaa marka jirku uu jawaab ka celiyo shay. Tani waxaa laga yaabaa in ay keento dhibaato yar ilaa mid daran. Waxaa jira noocyo xajiin ah oo kala duwan. Kuwa ugu badan waxay kala yihiin:
#  Xajiin hawada ka dhalata sida faxalka, caaryada, dufta xayawaanka ama boorka
#  Xajiinta taabashada sida birta, dheeha ama kiimikooyinka
#  Xajiinta cuntada sida ukunta, looska, caanaha ama kaluunka shellfish
#  Xajiinta daawooyinka laga qaado

Xajiin lama daaweyn karo, laakiin daaweyntu waxay caawino ka geysan kartaa in aad roonaato.

Calaamadaha
Dadku waxay kala lahaan karaan calaamado kala duwan oo isku xajiin laga qaaday. 
Nooc kasta oo xajiin ah wuxuu keeni karaa finiinicyo ama jirka oo casaada iyo feero caabuq ama dhibaato neefsashada ah. 

Calaamadaha kale waxay ku xirnaan karaan sababta xajiinta.
Xajiin faxal, caaryada, dhogorta xayawaanka ama boorka
─ Cun-cun leh, sanka oo dareeraya ama cabbur
─ Cadaadis sanka fuula
─ Hindhiso
─ Indhaha oo cun-cun leh, guduuta, barara, hura oo biyo ka yimaadaan
─ Cune cun-cun ama qufac
─ Dheecaan fara badan
─ Dhadhanka oo qofka ku yaraada ama wax urinta
─ Madax xanuun

Xajiinta taabashada laga qaado
─ Indhaha oo cun-cun leh, guduuta, barara, hura oo biyo ka yimaadaan
─ Bararid

Xajiinta cuntada laga qaado
─ Lalabbo ama matagid Calool xanuun ama casiraad
─ Shuban
─ Cun-cun leh, sanka oo dareeraya ama cabbur
─ Cune cun-cun ama qufac
─ Barar ku yimaada afka dhinacyadiisa ama wax liqidda oo dhib noqota
─ Suuxid

Xajiinta daawada laga qaado
─ Cun-cunka maqaarka ama indhaha
─ Bararidda faruuryaha, carrabka ama wejiga
─ Suuxid, caajis ama isku dhex yaac
─ Wadne garaac deg-deg ah
─ Lalabbo ama matagid
─ Calool xanuun ama casiraad
─ Shuban

Daryeelkaaga
Ka fogow waxyaabaha calaamadahaaga uga sii daraya. Baaritaan maqaarka ama dhiigga ah ayaa laga yaabaa in la sameeyo si loo hubiyo xajiinta.
Waxaa laga yaabaa in aad u baahato daawooyin si lagaaga daaweeyo xajiinta.
Takhtarkaaga wac haddii aad isku aragto:
#  Saameyn liddi ah oo lama filaan ah oo daawada kaaga timid
#  Calaamadaha ka sii dara ama kaa celiya in aad hawlahaagii caadiga ahaa qabsatid
#  Qandho ka sarraysa 101 darajo oo F ah ama 38 darajo oo C ah

1
2
3