Cadaadiska dhiigu
Cadaadiska Dhiiggu waa xoog la dul dhigo derbiyada marinnada dhiigga ee wadne garaac kasta. Cadaadiska Dhiiggu wuxuu gacan ka geystaa inuu dhiiggu ku dhex socdo jidhka.
Iska Cabbiridda Cadaadiska Dhiiggaaga
Cadaadiska dhiigga waxaa badanaa lagu hubiyaa iyadoo maro ballaaran oo loo yaqaan kaf (cuff) lagu xiro dhinaca sare ee gacantaada. Hawo ayaa lagu afuufaa kafka. Cadaadiska dhiiggaaga ayaa la cabbiraa marka hawadu iney kafka ka baxdo loo oggolaanayo.
Cadaadiska dhiiggu waa hal lambar oo lambar labaad ka korreeya.
• Lambarka kore waa midka sare waxaana loo yaqaannaa akhrinta systolic. Waa cadaadiska ku jira marinnada dhiigga marka uu wadnaha dhiiggu ku shubmo.
• Lambarka hoose waa midka hoose waxaana loo yaqaannaa akhrinta diastolic. Waa cadaadiska ku jira marinnada dhiigga marka uu wadnuhu nasanayo inta u dhexeysa garaacyada.
Cadaadiska Dhiigga ee Caadiga ah
Cadaadiska dhiigga ee caadiga ah waa 120 oo la hoos dhigay 80 ama ka yar.
Cadaadiska dhiigga qofba qofka kale wuu ka duwan. Cadaadiska dhiigga qof kasta wuxuu isku beddelaa saacad ilaa saacad iyo maalin ilaa maalin.
Cadaadis Dhiig oo Sarreeya
Cadaadis dhiig oo sarreeya waxaa loo yaqaannaa dhiig kar (hypertension).
Cadaadis dhiig oo sarreeya waa 140 oo la hoos dhigay 90 ama ka sarreeya.
Baaritaan cadaadis dhiig oo sarreeya lama sameeyo ilaa cadaadiska dhiiggaaga laga hubiyo dhowr mar uuna noqdo mid sarreeya.
Marka kastoo ay dhiigga ku adkaato inuu ku qul-qulo marinnada dhiiggaaga, lambarrada cadaadiska dhiiggu kor ayey u sii kacayaan. Marka uu jiro cadaadis dhiig oo sarreeya, wadnahaagu si xoogan ayuu u shaqaynayaa.
Cadaadis dhiig oo sarreeya wuxuu keeni karaa wadne qabad, hawlgab maskaxeed, hawlgab kelli, iyo adkaanshada marinnada dhiigga.
Calaamadaha Cadaadis Dhiig oo Sarreeya
Habka keliya ee lagu ogaan karo cadaadis dhiig oo sarreeya waa in la hubiyaa.
Dadka badankoodu calaamado ma lahan. Dadka qaarkood waxaa laga yaabaa iney madax xanuun isku arkaan ama aragti ceryaamo ku jirto.
Daryeelkaaga
Koontaroolidda cadaadis dhiig oo sarreeya aad ayey muhiim u tahay. Haddii aad cadaadis dhiig oo sarreeya leedahay waa inaad:
• Badanaa cadaadiska dhiigga iska hubisaa. Takhtarkaaga la xariir haddii cadaadiska dhiiggaagu uu sii sarreeyo.
• Takhtarkaaga ugu tag sida la qorsheeyey.
• Daawada cadaadiska dhiigga u qaado sida uu takhtarku ku amray.
• Daawada qaado xataa haddii aad caafimaad dareento ama cadaadiska dhiiggu uu caadi yahay.
• Miisaan iska dhin haddii aad buuran tahay.
• Xaddid cusbada cuntooyinkaaga iyo cabitaannada ku jirta.
• Ka fogow aalkolo cabid.
• Jooji sigaar cabidda ama isticmaalka tubaakada iyo khatka (jadka).
• Jir-dhis samee ku dhowaad maalin walba.
• Isku buuqidda/diiqadda iska yaree.
• Maalin walba iskala bixin samee.
Si dagdag isbitaal u gaar hadii aad isku aragto:
• Madax xanuun daran
• Isbeddelka aragtida ah
• Xanuun feedhaha ah, cadaadis ama ciriiri aysan nitroglycerin bogsiineyn
• Ay neefsashadu kugu adag tahay ama ay kugu gaaban tahay
• Kabaabyo lama filaan ah, kil-kilo ama daciiftinnimo wejiga, gacanta ama luga ah
• Jahawareer lama filaan ah, dhibaato kaaga timaadda fahmidda ama dhibaato dhinaca hadalka ah
• Dhibaato wax liqidda ah