headerImage

Ciise  Waa Kiristo

  1. Tukasho ku billaaba.
  2. Waydii qofkii u diyaar ahu inuu kor ka akhriyo aayaddii la soo xafidayay ee casharkii ugu dambeeyay.

    Akhri Billowgii 3.

    X.  Akhriya oo ka wada hadla casharka soo socda.

 

     Markuu Eebbe dunida abuuray, waxaa kaloo uu abuuray ninkii iyo naagtii ugu horeeyay.  Ninka waxaa la odhan jiray Aadan, naagtana waxaa la odhan jiray Xaawo.  Dunidana ma jirin dambi wakhtigaas.  Eebbe wuxuu Aadan iyo Xaawo geeyay beer aad u qurxoon.  Beertaas waxaa ku yaallay geedo ay ka baxaan nooc kasta oo khudaar la cuno ah oo aad u wanaagsan.  Aadan iyo Xaawo wax way ka cuni kareen geedaha oo idil marka laga reebo geedkii ku yiillay badhtamaha beerta.  Eebbe ayaana u sheegay iyaga in ay dhiman haddii ay wax ka cunaan geedkaas.

 

     Maalin waxay Xaawo ag joogtay geedka, ibliisna wuxuu joogay halkaas isagoo suuro mas leh.  Wuxuu rabay in ay Xaawo geedka wax ka cunto.  Ibliis wuxuu Xaawo u sheegay in aysan dhimanayn haddii ay cunto geedka midhihiisa.  Wuxuu u sheegay haddii ay cunto in ay noqon sida Ilaah oo kale.  Xaawo way aamintay ibliiska hadlkiisii oo way cuntay geedka midhihiisii.  Aadan isna sidoo kale wuu dambaabay markuu cunay geedka midhihiisa.  Oo maadaama ay dambaabeen, Eebbe wuu ka soo saaray iyaga beertii.  Wuxuu dambiguna soo galay dunida markii ay addeeci waayeen Eebbe ee ay cuneen midhihii geedka.

 

     Aadan iyo Xaawo markii ay dambaabeen ka dib, waxay noqotay inay helaan meel kale oo cusub oo ay ku noolaadaan.  Markan, waa in ay aad u shaqeeyaan si ay cuntadooda u helaan.   Waxaa kale oo ay la kulmeen xanuun, dhibaato, cuduro, iyo dhimasho, Laakiin Eebbe kuma uusan daynin iyaga xanuunkii iyo dambigoodii.  Inkastoo ay dambaabeen, Eebbe ad ayuu u jeclaa iyaga siduu inagana inoo jecel yahay maanta oo kale.  Wuxuu iyaga u sameeyay ballanqaad yaab leh.  Wuxuu u sheegay, in marka la gaadho wakhtiga ku habboon, uu u soo diri doono isagu willkiisa adduunka.

 

     Lukos 1:32 Waxay leedahay Yesuc waa “Wiilka Eebbaha ugu sareeya.” Yesuc waa Ilaah oo haddana waa qof.  Wuxuu leeyahay dhammaan sifooyinka qudduusan ee Ilaah. Isagu wuu awood badan yahay, oo caqligiisu waa kaamil, waa daa’im, waa dambi laawe, isma beddelo, wuxuu leeyahay cafin iyo jacayl.  Yesuc wuu samayn karaa dhammaan shuqullada awoodda badan ee Eebbe.  Oo taas aawadeed, Yesuc wuu u qalmaa inaan sharafno oo caabudno. Yesuc haddana waa qof sababtoo ah waxaa dhashay naag oo wuu waynaaday oo yeeshay jidh nin.  Yesuc wuxuu lahaa dareen sida qof oo kale.  Wuxuu la kulmay farxad, murugo, cadho iyo raynrayn.  Yesuc wuu fahmi karaa wax kasta oo aan dareenno oo ay nolosheennuna marto.

 

     Yesuc qof ayuu ahaa sababta oo ah waxaa loo baahnaa waaqdhaacin kafaaragud u noqda dambiyadeena.  Yesuc ayaana loo soo diray inuu u silco oo u dhinto dadka oo idil, si aynu Eebbe ula noolaanno oo u helno nolol waligeed ah. Yesuc waa Kiristo oo macnaheedu yahay: Kii Eebbe U doortay inuu inaga badbaadiyo dambiyadeenna.

 

     Sannado badan ayay caruurta Aadan iyo Xaawo sugayeen badbaadiyahooda.  Nabiyadii Eebbe waxay dadka u sheegeen wax isaga ku saabsan si ay u rajo galiyaan.  Nabigii la odhan jiray Ishacya wuxuu qoray in uu ka dhalan doono cadrad:  “Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona.  Bal ogaada gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magaciisana waxay u bixin doontaa cimanu’el.” (Ishacya 7:14).  Matayos 1:18 waxaan ka akhriyaynaa in mucjisadaasu ay rumowday: “Dhalashadii Yesuc Kiristo sidan ayay ahayd.  Kolkii hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay iyadoo Ruuxa Qudduuska ka uuraysatay.”

 

     Kitaabka Sabuurada, wuxuu nabigii si bayaan ah ugu sheegay sida uu badbaadiyuhu darteen ugu silcayo.  “Oo kuwa i arka oo dhamu way igu qoslaan, bishimahay yuubaan, oo madaxay lulaan ... Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, oo lafahaygii oo dhamuna xubnihii way ka kala baxeen, oo qalbigaygu wuxuu noqday sidii shamac oo kale, oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.  Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, oo carabkayguna daamankayguu ku dhegay, oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.  Waayo, waxaa i hareereeyay eeyo, oo waxaa hareerahayga isku wareejiyay shirkii xumaan falayaasha, oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.  Lafahygii oo dhan waan tirin karaa, oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan, dharkayga bay qaybsadaan, oo maradaydana saami by u ritaan.” Sabuurada 22:7, 14-18.

 

     Axdiga Cusub, waxaan ka akhriyaynaa in dhammaan waxa lagu qeexay Sabuurada 22 ay si dhab ah u dhaceen markii Yesuc uu ku dhintay saliibka.  “Kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen, waxay yidhaahdeen, kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow, is badbaadi haddii aad tahay Wiilka Ilaah, oo isku- tallaabta ka soo deg.” Matayos 27:39-40.  Markos 15:24 waxay iyana ka hadlaysaa siday askartu xarashka ugu riteen ciddii qaadan lahayd dharka Yesuc.  “Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna u saami riteen mid kasta wuxuu qaadan lahaa.”

 

     Haa, runtii Yesuc waa Kiristo, kii u yimid inuu inoo dhinto si aan innagu u noolaanno.  Wax kastoo hore loo sii sheegay wuu dhacay oo rumoobay, sidaa daraadeed hadda uma baahnin jid kale oo aan kula saaxiibno Eebbe. Jidka kali ahi waa inaan rumayno wiilkiisa uu soo diray.  Ruuxa Qudduuska ee Eebbe ayaa ka dhex shaqeeya qalbiyadeenna si uu inoogu sheego in taasi ay run tahay.  Yesuc wuxuu u dhintay adiga iyo aniga.

 

Kh.   Ka hadla aayadda cusub ee la soo xafidayo: Ishacya 7:14

         “Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magaciisana waxay u bixin doontaa Cimanu’el”

 

D.   Ka Jawaab Su’aalahan.

 

  1. Waa maxay macnaha “Kiristo”?
  2. Dambigii ugu horeeyay yaa galay?
  3. Dambigaasu muxuu ahaa?
  4. Maxaa dhacay kadib markay Aadan iyo Xaawod dambaabeen?
  5. Sideen ku ogaanaynaa in Yesuc Kiristo uu yahay Ilaah iyo qofba?
  6. Muxuu Yesuc u yimid isagoo qof ah?
  7. Eebbe wuxuu ballanqaaday in uu maalin soo diri doono Kiristo si uu u kafaarogudo dambiyadii dadka oo dhan.  Waa kuma Kiristo?
  8. Waxaan og nahay in Yesuc uu yahay Kiristo sababtoo ah wuxuu sameeyay wax kasta oo ay nabiyadii sii sheegeen.  Oo wax kasta oo la sii sheegay wuu rumoobay.  Haddaba sheeg qaar ka mid ah waxyaalihii ay nabiyadii ka sheegeen Kiristo.

 

Isu tukada midkiinba midka kale oo Eebbe ku mahadiya waxa wanaagsan ee uu dhexdiinna idiinka sameeyo.  Waxaad ku billaabi kartaan tukashadan soo socota.

        Eebbaha awoodda leh ee jannada ku jirow, waxaan kugu mahadinaynaa Yesuc, oo aad adigu u dooratay inuu dunidan yimaaddo si uu kafaaragud ugu noqdo dambiyadanada.  Fur qalbiyadanada si uu u soo galo noloshanada.  Tan in aan rumayno waxay nooga dhigan tahay in aan maalin tegi doonno beertaas quruxda badan si aan adiga kuula noolaanno waligeen.  Annaga oo idil nagu caawi in aan hibada hello.  Magaca Yesuc ayaan kugu waydiisanaynaa.  Aamiin.

1
2
3