Eebbe Waa Sidee?
- Tukasho Ku billaaba.
- Waydii qofkii diyaar u ahu inuu kor ka akhriyo aayaddii la soo xafidayay ee casharkii ugu dambeeyay.
- Akhriya oo ka wada-hadla casharka soo socda.
Mark aynu hareeraheenna eegno oo aynu aragno waxyaalo badan oo quruxsan yaabna leh waxaynu garan in uu jiro Eebbe weyn oo awood badan. Wuxuu uumay xiddigaha, qoraxda iyo dayaxa. Wuxuu abuuray dhirta iyo ubaxa. Wuxuu sameeyay shimbiraha iyo xayawaanka. Wuxuu uumay adiga iyo aniga. Dhammaan waxyaalahaas waxaan ka arkaynaa in Eebbe uu ku kaamil yahay caqli iyo wanaag. Taasna waxaan ka akhriyaynaa Billowgii 1–2.
Baybalka wuxuu Eebbe inagu tusay sida uu yahay. Waxaan halkan ku haynaa qaar ka mid ah waxyaalaha aynu ka naqaanno Eebbe ee aan ka baranay Eraygiisa:
- Eebbe waa ruux.
“Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isaguna waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.” Yoxana 4:24
- Eebbe wuxuu ka kooban yahay saddex axad – Aabaha, Wiilka iyo Ruuxa Qudduuska.
Yesuc wuxuu dhammaan saddexda axad si barbaro ah ugu sheegayaa Matayos 28:19, “Haddaba taga, oo quruumaha oo idil xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Qudduuska.” Axdigii Horena, Eebbe wuxuu isagu isku leeyahay ‘annaga” marka aan eegno Billowgii 1:26. Aayadaha kale ee ina tusaya in saddexda axad mid kastaaba jiro oo uu yahay Eebbe waxaa ka mid ah Efessos 1:3, Yoxana 1:1-2 iyo Falimaha 5:3-4.
- Eebbe halkan ayuu ahaa dunida horteed oo wuu ahaan doonaa halkan waligii.
“Intaan buuruhu dhalan ka hor, iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida, iyo xattaa waligeed iyo waligeedba, adigu waxaad tahay Ilaah”. Sabuur 90:2
- Eebbe isma beddelo.
“Yesuc Kiristo waa isku mid shalay iyo maanta iyo waligiiba. Cibraaniyada 13:8. Anigoo Rabbiga ah isma beddelo.” Malaakii 3:6
- Eebbe meel kasta wuu joogaa oo wuu ogyahay wax kasta.
Maadaama uu Eebbe ruux yahay wuxuu awood u leeyahay inuu meel kasta joogo isla markiiba. Innagu kama carari karno isaga oo ma jiro wax isaga ka qarsooni.
“Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay. Waad ogtahay fadhiisashadayda iyo sare kiciddaydaba, oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa. Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa, oo jidadakayga oo dhanna waad wada taqaan. Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carabkayga kuma jiro.” Sabuurada 139:1-4.
- Eebbe wuu awood badan yahay.
Wuxuu awooddiisa ina tusay markuu abuuray adduunka. Xattaa dhimashada wuu ka awood badan yahay. Taasna wuxuu ina tusay markuu Yesuc ka sarakiciyay dhimashada. Isla awoodaas ayaa ina siin innaga nolosha waligeed ah.
- Eebbe waa quduus waana caadil.
Isagu gebi ahaanba ma laha wax dembi ah. Ishacya, wuxuu muuqaal ku arkay malaa’igta oo oo Eebbe hortiisa intay wajiyadoodii dabooleen Isaga caabudaya iyagoo leh, “Qudduus, qudduus, qudduus, waxaa ah Rabbiga ciidamada.” Ishacya 6:1–3.
- Eebbe waa raxmad iyo naxariis badan yahay.
“Ilaah wa jacayl.” 1Yoxana 4:8
“Laakiin Kiristo wuu inoo dhintay intaynu wali dambiilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah Jacaylkiisii inoogu muujiyay.” Rooma 5:8.
X. Ka wada hadla aayadda cusubee la xafidayo: 1Yoxana 3:1.
“Bal ogaada siduu yahay jacaylka Aabuhu ina siiyay, kaasoo ah in laynoogu yeedho caruurta Ilaah!”
KH. Ka jawaab su’aalahan:
- Mark aan akhrinay Baybalka, waxaan baranay wax ku saabsan Eebbe iyo sida uu yahay. Maxay yihiin waxyaalaha uu Baybalku inooga sheegay Eebbe?
- Eebbe siduu inoo tusay jacaylkiisa iyo naxariistiisa?
D. Isu tukada midkiinba midka kale, oo Eebbe ku mahadiya waxa wanaagsan ee uu dhexdiinna idiinka samaynayo.
Waxaa tuurjumay Kaanisada Lutuurenka