headerImage

Eebbe Wuxuu Abuuray Samada iyo Dhulka

  1. Tukasho ku billaaba
  2. Akhri hordhaca Koorsada.
  3. Akhriya oo ka hadla casharka soo socda.

     “Billowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.” Billowgii 1:1.  Baybalku wuxuu ina barayaa in dhammaan waxa aynu aragno, aynu taabanno, aynu dhadhaminno, iyo waxa aynu urinno, uu sameeyaya Eebbe. Waxaa kaloo uu sameeyay waxyaabo badan oo aynaan arki karin. Kolosay 1:16 waxay odhanaysaa, “wax kastaba isagaa uumay, waxyaalaha samooyinka ku jira, iyo waxyaalaha dhulka jooga, waxyaalaha la arki karo iyo waxyaalaha aan la arki karinba, hadday yihiin carshiyo ama sayidnimo ama madax ama amarro; wax walba isagaa uumay oo loo uumay.”  Waxaas waxaa laga abuuray wax aan jirin.  Eebbe waxyaalo hore u sii jiray uma adeegsado inuu wax cusub ka abuuro.  Wuxuu abuuray wax kasta, ha yaraadeen ama ha weynaadene, oo wuxuu ka uumay meel madhan, oo waxba aysan jirin. Cibraaniyada 11:3.

     Saddexda axad oo idil (Aabaha, Wiilka iyo Ruuxa Qudduuska) ee saddexanka Eebbe way ka wada qaybqaateen uumidda samada iyo dhulka. Baybalku wuxuu leeyahaya Yesuc wuu la joogay Aabaha markii la uumayay dunida.  “Billowgii waxaa jiray Hadalka (Yesuc), Hadalkuna wuxuu la jiray Ilaah, Hadalkuna wuxuu ahaa Ilaah.  Isagu Ilaah buu la jiray billowgii. Wax walba waxaa laga sameeyay xaggiisa, oo  wixii la sameeyay lama samayn isaga la’aantiisa.” Yoxana 1:1-3.  Ruuxa Qudduusku isna wuu la jiray.  Billowgii 1:2 waxay leedahay, “Ruuxa Ilaahna wuxuu ku dul dhaqdhaqaaqayay biyaha.”

     Eebbe sabab ayuu u abuuray dhulka iyo waxa ku dhex jira oo idil.  Qayb kasta oo ka mid ah dunida uu Eebbe uumay hawl ayay leedahay ay qabato.  Qoraxdu waxay bixisaa ilays iyo kul.  Roobka iyo qoraxdu waxay soo saaraan oo bixiyaan dhirta.  Dhirtuna waxay cunto siisaa xayawaanka iyo dadka.

     Dadka waxa la siiyay shaqo gaar ah oo ah inuu daryeelo dhammaan waxa uu Eebbe uumay.  Eebbe wuxuu uumay dunida iyo waxa ku jira dhexdeeda oo idil, oo dhammaantoodna Isaga ayaa iska leh.  Sidoo kale uunkiisu waxay u keenaan sharaf iyo ammaan Eebbe.  Sabuurada 96:11-13.  Waa in aan daryeello uunka Eebbe sababtoo ah Eebbe ayaa ina faray inaan sidaa yeello.  Eebbe wuxuu inoo siiyay dhul, dhir, xayawaan iyo biyo hadiyad ahaan si aan u adeegsanno una daryeelo.  Hibooyinkaasi waa in aynaan khasaarin ama aynaan baabi’in, laakiin aan u adeegsanno si caqli ah.

     Eebbe wuxuu u abuuray dunida, xayawaanka iyo dadkuba in ay ahaadaan kuwo kaamil ah.  Eebbe wuxuu dadka ka uumay suuradiisa.  Billowgii 1:27 waxay leedahay, “Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray.”  Billowgii 1:31 waxay inoo sheegaysaa in Eebbe uu ku farxay wax kasta oo uu uumay. Waxa uu Eebbe uumay oo idil waxay mar ahaayeen kuwo kaamil ah.  Hase yeeshee dambiga aawadii, hadda ma aha kaamil.  Hadda waxaa jira cuduro iy dhibaatooyin kale oo badan.

     Eebbe wuxuu uumay Adan iyo Xaawo, oo ahaa dadka kuwii ugu horeeyay.  Iyagu waxay dunida keeneen dambiga markay damceen inay noqdaan sida Ilaah oo kale.  Dambiga ay faleenna wuxuu kala fogeeyay Eebbe iyo dadka, iyo dadka iyo dabeecadda.  Wakhtigaas laga soo billaabana dadka oo dhan waxay dhalanayeen iyagoo dambi leh.  Laakiin xattaa  markii ay Aadan iyo Xaawo galayeen dambigii ugu horeeyay, Eebbe wuxuu lahaa qorshe uu rabay in uu dib wax ugu saxo.  Wuxuu u soo dirayay Yesuc inuu u dhinto dambiyadeenna oo ina badbaadiyo.

X.    Ka hadla aayaddan la xafidayo: Billowgii 1:1 “Billowgii Ilaah samada iyo dhulkuu  abuuray.”

 

KH.  Ka jawaab su’aalahan.

 

         1.     Eebbe waxyaalahee ayuu sameeyay?

         2.     Dadku sidee ayay kaga duwan yihiin xayawaanka iyo dhirt?

         3.     Maxaysan dunidu mar dambe kaamil u ahayn?

         4.     Sidee buu Eebbe dunida u abuuray?

 

D.  Isu tukada midba midka kale, oo ku mahadiya Eebbe waxa wanaagsan ee uu dhexdiinna idiinka sameeyo.

 

 

Waxaan tuurjuntay, Kaanisada  Lutuuranka

 

1
2
3