headerImage

Health tips

1. Hadaad xanuunsato Rabigaa bari isaga unbaa dhibaatada kaa qaadi Kara, ha u malayn in dhakhtarku uu wax kuu qaban karo, hadaan rabi ku ilhaamin.


2. Xabatu Sowda iyo malabka asalka ahoo la isticmaalo ayaa Dawo kasta ka fiican. 


3. Ha daawayn qofna, cilmi la’aan, waayo waxaad samaynayso rabiyaa kugula xisaabtamaya,


4. Dawo aan dhakhtar sax ahi kuu qorin ha isticmaalin,


5. Dawo ha waydiisan qof aan dhakhtar ahayn,


6. Dawo ha cunin oo qofna ha siin,hadaadan ogayn waxa loo isticmaalo. iyo dhibaatada ay keensanayso,


7. Ogow daawo kasta waxay leedahay dhibaatooyin badan 
8. Ha ku dagdagin isticmaalka dawooyinka 


9. Dawooyinka dhig meel caruurtu aysan gaarin 


10. Dawooyinka dhig meel aan qorax ahayn


11. Waxaa hagaagsan in aad samaysato armaajo yar oo darbiga meel kore lagu dhajiyo, oo fure leh oo dawada la dhigo si caruurtu aysan u gaarin

 

12.  Rifeetar iyo refadin waligaa ha u isticmaalin waxaan loogu talo galin waa dawooyinka Qaaxada loo isticmaalo.


13. Hadii caruuta ama qof waynba qandho qabato, meel neecow leh gee, dharkana ka yaree, oo ha huurin, dabadeedna shukumaan biyo kuqoo oo marmari


14. Hadii caruurtu ama qof waynba uu shumbo, ORS sii, iyo biyo kasto uu cabi karo, sii cunadii uu cuni karo


15. Ma jirto cirbad la yiraah dhiig joojin oo qofkii dhaawacma la siiyo


16. Farmashiyaasha hada lagama helo dawo teetanaha loo isticmaalo waayo waxay rabtaa dawadaasi inay furunjiyeer ku jito oo 2degrii tahay,


17. Dhaawaca yar yar ku dhaq biyo qandac ah oo milih leh,sida biyaha badoo kale 


18. Caruurta bar inaad siiso cunooyinka faaiidada leh sida Galayda, Digirta,

Hilibkacaloolayda, Ukunta, Masagada, Mooska, Canbaha, Ukunta iwm  


19. Ma wanaagsana cunooyinka in lagu badiyo, Sonkorta, Dufanka iyo Cusbada, 


20. Ha cunin cunada aan daboolnayn ee suuqa taala


21. Ha gadan rootiga gaarigacanlayaashu hayaan 


22. Khudaarta nuuca aan qolofka lahayn, si waansan isaga dhaq hadaadan iska daynaynba, 


23. Nadaafadu waa furaha caafimaadka 


24. Jikada nadaafadeeda ku dadaal 


25. Jirka nadaafadiisu waa lagama maarmaan


26. Musqusha nadaafadeedu waa lagama maarmaan

 

27.  Bar caruurta iyo dadka waawaynba in markii qofku musqusha ku soo xaajo guto uu gacmaha saabuun ku dhaqo.


28. Weelasha loo isticmaalo musqusha sida baaldiga, caaga iwm waligaa  ha u isticmaalin jikada. 


29. Cunooyinka gasacadaysan intaad ka fogaan karto ka fogoow.


30. Karootadu waa cuno fiican oo u roon indhaha ee bar naftaada iyo caruurtaba,


31. Jawaafaha ama saytuunku aad buu u wanaagsan yahay 


32. Cunooyinka la isku daro ama laysku shiido waa faa’iido badan yihin


33. Sansanyeeri isticmaal habeenkii markaad seexanayso


34. Cudurka isfiilitadu waa  cudur xun, kumana dhaco dadka galmood ammaan leh sameeya, ilaahay idankii, ee yaan lagaa maqal


35. Quraanka oo akhrintisa la badiyo, caafimad badan bay leedahay. 


36. Caruurta ka ilaali ciida inay cunaan, ciida waxaa ku jira oo ukuntooda dhigta gooryaano badan,


37. Cagacadaan ha ku socon, hana u ogolaan in caruurtu ku socoto, gaar ahaan meelaha

qoyan waxaa laga helaa bahalo ku nool oo si sahlan qofka u gala 


39. Novalgin ha isticmaalin nuuckastoo uu yahay, waayo waa daawo khatar ah, aduunkana hada lagama isticmaalo,


40. Gaastariigu waa cudur khatar ah , rabina ha naga badbaadiyo, sida dadku u sheegayaana maaha, mana dhici karto in dadkoo dhami qabo.


41. Cadayga oo aad loo badsado, ilkaha caafimaadkoodaa ku jira ee ku dadaal 


42. Aspirin ha siin caruurta 12 sano ka yar, wuxuu u keenaa dhibaato.


43. Dawo qof loo qoray, maahan in qof kale la siiyo, dadku isku cudur maahan, dhakhtar unbaa sheegi kara wuxuu cudurka qofku qabo yahay


44.Dawada cirbada ihi maahan daawada ugu saraysa, qofku intuu afka wax ka qaadan karo cirbad uma baahna,


45. Faleebada dad badan waxay u haystaan inay wanaagsan tahay, lakiin ogow inaysan wanaagsanayn, hadii la siiyo qof aan u baahnayna ay dhib badan u keenayso, ogow afku waa meesha ugu fiican oo ilaahay ugu tala galay oo qofku wax ka qaadan karo.


46. Hadaan sharoobo furto, amaad kaniini furto, ogow waxaad isticmaali kartaa mudo gaaban, dad badan baa meel inta dhigta hadana dib u isticmaala.


47. Sax maahan hadii haweenta uurka lihi ay cunada iyo biyaha  badsato, in cunugu uu ku waynaanayo, dabadeedna ay fooshu dhibayso, waxaase saxa in haweenta uurka leh loo baahan yahay inay cuno fiican iyo cabitaankaba badsato, si ay awood u yeelato taasoo keenaysa in dhalmadu u fududaato.


48. Naaska cunuga waa in la siiyo ugu yaraan laba sano.


49. Haweentu haday uur yeelato, iyadoo nuujinaysa, dhib maleh inay cunigeeda sii nuujiso, waase in haweenta nafaqo fiican la siiyo maadaama ay labo shaqo isku hayso 


50. Cuniga dhasha waa in la siiyo naaska marka uu dhashaba si dagdaga, waayo caanaha naaska ugu horeeya waa kuwa ugu fiican gabi ahaanba


51. Haweenta naaska nuujinaysa waa inay naaskeeda si gaara u dhaqdaa ugu yaraan maalintii laba mar.


52.Caruurta ha ku nuujin jiifka , hadii  kale waxay khatar ugu jiraan in dhaguhu dilaacaan 


53. Guriga waa in dariishadaha loo furo oo qoraxda iyo dabayshuba soo galaan,


54. Caruurta yaryar waa in qoraxda la tuso ugu yaraan maalintii hal mar.

1
2
3