headerImage
Tukasho ku billaaba.

Waydii qofkii diyaar u ahu inuu kor ka akhriyo aayaddii la soo xafidayay ee casharkii ugu dambeeyay.

Eebbe wuxuu u uumay malaa’igta si la mid ah sida uu u uumay adiga iyo aniga iyo wax kasta oo kale oo hareeraheenna ah.  Baybalku wuxuu inoo sheegayaa in malaa’igtu ay tahay fariin-qaadayaasha Eebbe.  Cibraaniyada 1:14 waxaa iyana ku qoran in malaa’igtu ay tahay, “ruuxyo kaalmeeya oo loo soo diray inay shuqul u qabtaan kuwa badbaadada dhaxli doona.” Malaa’igta lama arki karo, waayo iyagu waa ruuxyo.  Iyagu way ka caqli badan yihiin dadka, oo ma dhintaan.  Malaa’igtu ma laha nin iyo naag, mana is guursadaan.  Waa in aan xurmayno malaa’igta mase aha inaan caabudno iyaga. Iyagu waa adeegayaasha Eebbe.  Malaa’igtu waxay fariimaha Eebbe u geeyaan dadkiisa oo waxay ogaysiiyaan xaaladaha gaar ahaaneed, sida dhalashadii Kiristo oo kale.  Malaa’igtu waxay hareeraha ka joogtaa carshiga Eebbe oo ammaantiisa ku heesaan.  Sidoo kale waxaa loo soo diraa inay samato bixiyaan dadka Eebbe. Sabuurka 91:11 wuxuu leeyahay, “Isagu wuxuu malaa’ighiisa ku amri doonaa inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.”

 

Kadib markuu Eebbe abuuray malaa’igta, qaarkood way ku caasiyeen Isaga oo waxay raaceen shaydaanka.  Wuxuuna Eebbe ka soo caydhiyay iyaga jannada. Malaa’igtaasna waxaa la yidhaahdaa jinni.  Jinku waa rusuullada shaydaanka oo ah kii diiday amarka Eebbe.  Jimanku waa kuwo shar leh oo waxay isku dayaan inay dhib gaadhsiiyaan wuxuu Eebbe uumay.

 

Baybalku wuxuu leeyahay shaydaanku waa sidii libaax guuxaya oo raadinaya kuwo uu liqo.  Jinku waa uun shar badan, oo dadka jiraba si ay u galaan caddaabka.  Wayna joogaan agagaarkeenna oo idil, laakiin waxaa ka xoog badan ciidanka Eebbe. Eebbe wuu soo caydhiyay shaydaanka.  Yesucna wuxuu madixiisa ku burburiyay saliibka.  Kolosay 2:15 Waxay leedahay, “Oo iskutallaabtaas ayuu Kiristo iskaga xoreeyay awooddii taliyayaasha ruuxiga ah iyo xukunkoodii (Shaydaan iyo jimankiisa); oo bayaan ayuu u ceebeeyay, isagoo guusha ku hor kacaya iyagoo lahaystayaal oo kale ah.” Saddexanka Qudduuska ah iyo malaa’igtiisa ayaa inala jira innaga, oo innaga aawadeen ula dagaalamaya xoogaga sharka leh ee shaydaanka.

 

Yacquub 4:7 waxay inoo sheegaysaa in aan iska caabbino ibliiska oo wuu idinka carari doonaa.  Yaanay idin sirin soo jiidasho dhalanteed ah, waxsheegyada ama dad sheeganaya inay leeyihiinawood gaar ah.  Yesuc ayaa ka weyn wax kasta oo kale.  In aad isku hallayso ama ku tiirsanaato cid kale ama wax kale oo aan Eebbe ka ahayn waxay kuu horseedi doontaa shar.

 

Eebbe wuxuu ina siiyay hub ad u weyn si uu inooga caawiyo inaan ka hor tagno shaydaanka iyo jimankiisaba.  Wuxuu ina siiyay Eraygiisa (Baybalka) iyo karaamooyinka barakaysan ee Qurbaanka Qudduusan iyo Baabtiiska.  Tukashada iyo iimaankeenna Yesucna waa hubkeenna ugu weyn.

1
2
3