headerImage

Qirashadii Rasuullada (Tawxiidka)

  1. Tukasho ku billaaba.
  2. Waydii qofkii u diyaar ahu inuu kor ka akhriyo aayaddii la soo xafidayay ee casharkii ugu dambeeyay.

J.    Akhriya oo ka hadla casharka soo socda.

 

     Raadka laga hayo kaniisaddii hore wuxuu ina tusayaa in Kiristaankii waayadii hore ay si wadajir ah u odhan jireen Qirashadii Rasuullada.  Waxay taasi u samayn jireen in xataa kuwa aan wax akhriyi karin ama qori karin ee ka tirsan kaniisaddu ay bartaan oo qirtaan xaqiiqadaas muhiimka ah ee ku saabsan iimaankeenna.  Waxay qirashadaas odhan jireen maalin kasta oo Axad ah si aanay u iloobin xogtaas.  Innaguna sidoo kale waa in aan dhahno oo sheegno waxa uu Eebbe inoo sameeyay.  Sida aan ka arkayno Rooma 10:9, “Haddaad afka ka quiratid in ‘Yesuc yahay Rabbiga,’ oo aad qalbiga ka rumaysatid in Ilaah isaga ka sarakiciyay kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa.”

 

     Qirashadii Rasuulladu waxay ka hadlaysaa saddexda axad ee uu ka kooban yahay Saddexanka Eebbe – Aabe, Wiil iyo Ruuxa Qudduusan.  Ilaaha Aabuhu wuu ina abuuray.  Ilaaha wiilku wuxuu ku dhintay saliibka korkiisa si uu u gudo dambiyadeenna.  Ilaaha Ruuxa Qudduusku wuxuu ina siiyaa iimaanka, wax buu ina baraa, oo wuxuu inoo dhaweeyaa Eebbaha kaliya ee runta ah.

 

     Gebi ahaanba Qirashada Rasuulladu waxay ka timid Erayga Ilaah. Waxayna dhammaan kaniisadaha waaweyn ee Kiristaanku u aqbaleen inay tahay caqiido run ah.  Kaniisadaha oo idili ma dhahaan qirashada Axad kasta.  Waxay dareemayaan in ay noqon caado aan macno lahayn haddii dadku ay ku celceliyaan oo dhahaan toddobaad kasta.  Taasina waa mid dhici karta sidaa darteed waa in aan had iyo goor ka fekerno oo ka taxadarno macnaha erayadaas marka aan adhanayno.

 

Qirashadii Rasuullada

 

  1. Waxaan rumaysanahay Ilaaha Aabaha, Oo uumay samada iyo dhulka.

Waa maxay tani macnaheedu?

Waxaan rumaysnahay in Eebbe uu uumay aniga iyo wax kastaba.

Wuxuu i siiyaa cunto, dhar, hoy, qoys iyo shaqo aan qabto.  Wuxuu iga ilaaliyaa igana xijaabaa sharka.  Waxaa oo idilna wuxuu iigu sameeyaa wanaaggiisa iyo naxariistiisa ee ma aha in aan anigu u qalmo.  Sidaa darteed waa inaan ugu mahadnaqo oo ku ammaano.  Waana in aan addeeco Isaga.

 

  1. Waxaan rumaysanahay Yesuc Kiristo, Wiilkiisa kali ah, oo ah Sayidkeenna; kaasoo ka dhashay Ruuxa Qudduuska, oo ay dhashay Maryan oo cadrad ah; oo ku hoos silcay Bontiyos Bilatos; waxaana lagu qodbay saliibka, wuuna dhintay oo la aasay; wuxuuna galay cadaabka; malintii saddexaadna wuu ka sarekacay kuwii dhintay; waxaana loo dheelmiyay samada oo uu fadhiistay gacanta midig ee Eebbaha ah Aabaha awooda leh, halkaas ayuuna ka iman doonaa si uu u xukumo kuwa nool iyo kuwii dhintayba.

Was maxay tani macnaheedu?

Waxaan rumaysanahay in Yesuc yahay Wiilka kaliya ee Eebbe, oo ah Sayidkayga iyo badbaadiyahayga.  Wuxuuna guday dambigaygii isagoo ku kor dhintay saliibka.  Silaciisa iyo dhimashadiisana waxaa masuul ka ahaa maamulihii u joogay halkaas Rooma ee la odhan jiray Bontiyos Bilatos, laakiin waxaa dhimashadiisa sabab u ahaa aniga dambigayga iyo dhammaan dambiyada dadka.  Waa la xabaalay, oo maalintii saddexaadna, Eebbe ayaa ka soo sarekiciyay qabrigii si uu annaga nooga xoreeyo cadaabka iyo dhimashada.  Waxaa loo dheelmiyay samada oo hadda wuxuu joogaa gacanta midig ee Eebbaha ah Aabaha.  Wuuna noo soo noqon doonaa si uu u xukumo dadka oo idil, kuwa nool iyo kuwii dhintayba.

 

  1. Waxaan rumaysnahay Ruuxa Qudduuska; kaniisadda Kiristo ee qudduusan: wadajirka muuminiinta; cafiska dambiyada; sarekicidda jidhka; iyo nolosha waligeed ah.  Aamiin. 

            Waa maxay tani macnaheedu?

Waxaan rumaysanahay in Ruuxa Qudduusku uu iigu yeedho in aan rumeeyo Yesuc oo uu igu caawiyo in aan u noolaado isaga aawadiis.  Taasna wuxuu ku sameeyaa xagga Erayga Eebbe.  Waxaa kale oo uu u yeedhaa guud ahaan kaniisadda Kiristo oo uu ka dhigaa mid qudduusan oo ku midaysan xagga iimaanka.  Kaniisaddan, ayuuna Eebbe ku cafiyaa dambiyadayda iyo dambiyada muuminiinta oo dhan.  Maalinta ugu dambaysana Eebbe wuxuu soo sarekicin doonaa kuwii dhintay oo idil, oo wuxuu aniga iyo muuminiinta oo dhan siin doonaa nolol waligeed ah.

 

  1.  Ka wada hadla aayadda cusub ee la xafidayo: Rooma 10:9

                   “Haddaad afka ka qiratid in Yesuc yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in Ilaah isaga ka sarekiciyay kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa”.

 

            KH.  Ka jawaab su’aalahan:

 

  1. Maxay Kiristaankii waayadii hore si wadajir ah ugu dhihi jireen Qirashada Rasuullada (Tawxiidka)?
  2. Maxaan illaa iyo maanta u adeegsanaa Qirashadii Rasuullada?
  3. Xaggee laga keenay Qirashada Rasuullada?
  4. Maxaa loo baahan yahay inaan ka taxadarno markasta oo aan dhahayno Qirashadii Rasuullada?  Sabab?
  5. Waa Kuwee saddexda axad ee uu ka kooban yahay Eebbaha kaliya ee runta ahu?
  6. Maxay tahay shaqada mid kastaa?

 

D. Isu tukada midkiinba midka kale oo Eebbe ku mahadiya waxa wanaagsan ee uu dhexdiinna idiinka sameeyo.

 

1
2
3