Waa Maxay Gedef?
Waa cudur lafaha daciif ka dhiga oo sababa hoos u dhac caddada fitamin D-ga ee jirka dhexdiisa. Gedfuhu waxa uu ku badanyahay meelaha iftiinka qoraxda oo aad ugu yar cunuga maqaarkiisa ama haragiisa.
Qofkee ayey qatar u tahay?
Dhammaan caruurta kuwa naaska nuuga oo keliya 6 bilood ama ka badan, dhammaan caruurta naaska nuugta oo midebkooda madow yahay, caruurta dhiciska ah iyo dhallaanka naaska laga joojiyay oo cuna qudradda.
Waa Maxay calaamooyinka gedfaha?
- Tabar daro.
- Aan-awoodin istaag ama socod.
- Koritaanka oo hooseeya.
- qalal.
- xanaaq fudud.
Sideebaad oga hortagi kartaa gedfaha cunugaada?
Waddada ugu fudud ee ka hortaga gedfaha waa iftiinka qoraxda maaddaama qoraxda ay xadaysan tahay ama ay ku yartahay wadamada qaar, fitamin D waa in la siiyo hal jeer maalinti labada (2-da) sano oo hore.
Sideebaad Ku heli fitamin D?
Fitamin D waxaa laga heli karaa farmashiyada warqad dhaqtar la'aan. Waxay ku timaada iyadoo lagu soo dhex diyaariyay fitamino kale (fitamin A iyo C) oo lagu magacaabo Tri-Vi-Sol.
Caafimaad dharteed waa muhiim gaar ahaan dhallaanka naaska nuuga si looga hortago cudurka lafaha ku dhaca ee gedfaha.
Haddana bal aan eegno Cabeebka
Muxuu yahay?
Candida ama cabeeb waa infakshan guud waxaana keena khamiirka loo yaqaan Candida albicans. Waxay jeceshahay inay ku korto meelaha diiran oo qoyan sida afka (oral candida), waxayna ku dhuumataa maqaarka ku yaalla sarcanta, dabada agagaarkeeda, marmarka qaarkoodna kilkilada.
Afka gudahiisa, waxay ku samaysaa meela cad cad oo guduud ku jiro. Badanaa wareega camanka, laakiin marmarka qaarkood wuxuu galaa ciridka, dhabxanaga ama carabka.
Candida wuxuu ku dhacaa badanaa maqaarka meelaha sarcanyuhu ku yaalliin. Dabadeedna waxay ku fidaan bawdyaha ama barida meelaha ka fog maqaarka kaas oo ay wax yeeshay candida. Midkaani caam ayuu ku yahay meelaha naabiga lagu xiro halkaas oo qoyan isla markaana diiran. Meelaha infakshanku ku dhashay waxay yeeshaan guduud waxaana dhici kara in wax fuulaan qarka laymanka yaryar oo ku fidaya meelaha maqaarku ka laaban yahay.
Maxaa dhaliya?
Candida waxaa qaba 20% boqolkiiba dadweynaha iyadoo aan keenin wax dhibaato ah. Haddii ay jiraan xaallada gaara, sida isticmaalida antibaayootikis, waxaa dhici kara in candida intii ka sii weynaato. Waxaa dhici karta cuntada afka lagaga tegay sida cabitaana macaan ama caano, inay qayb ka qaadato koritaanka infakshanka candida.
Qoyaanka iyo diirimaadka meelaha diiran (meelaha laabma ee maqaarka) khaasatan meelaha jirada maqaarku ay ka jirto, ayaa ka dhigi kara candida infakshan inay noqoto. Haddii cudurkan afka qalaad lagu yiraahdo candida ku dhaco meelaha laabma isticmaalida kareemka cortisone iyadoo aan la isticmaalayn daawada lagu daaweeyo, waxaa laga yaabaa in cudurkaani ku sii xumaado.
Sidee lagu daaweeyaa?
Daawada mucayinka ah ee candida lagu daweeyo waxaa ku jira kareem la mariyo meelaha naabiga aafeeyey iyo jel ama goojo la mariyo ama lagu shubo afka. Kareemayaal ayaa lagu talin karaa iyadoo ay la socoto cortisone cream awoodeedu khafiif tahay jirra kasta oo maqaarka ku jirta. Haddii hooyadu ku yeellato candida cambarka ama ibta waxay u baahnaan doontaa daawo dhakhtar u qoro.
Cabiraada guud oo inaka caawimaysa in lagu hortago cudurkaan waxa weeye in la ogaado waxay jeceshahay waana:
- Joojinta antibaayootikiska sida ugu dhaqsaha badan
- Si taxadaran u qalajinta meelaha maqaarku ka laabo qubayska ka dib
- Isticmaalida dhar aan kugu dheganayn si aad isaga ilaaliso inaad kululaato
- Si fiican u daaweynta jirada maqaarka ee jirta ama furuuruca naabigu keeno.